Sida lagu daabacay warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Dhexe.
Dagaalka ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Dhexe , waxaana uu soo gaaray saaka aroortii sida ay sheegteen Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ciidankood ay gudaha u galeen gudaha degmada Afmadoow , islamarkaana ay qabsadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan degmada Afmadoow.
Majirto wax war oo kasoo baxay ciidanka dowladda Kenya iyo sidoo kale saraakiisha maamulka Jubbaland ee ku aaday sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay weerareen degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Dhexe.


