Al Shabaab oo la wareegay Qalimow

Qalimow-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe, xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa galabta dagaal la’aan la wareegay degaanka Qalimow oo ka tirsan gobolkaasi.

Dadka degaanka ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen inay arkeen Afar gaari oo Hoomey ah oo ay saarnaayeen Shabaabka degaanka la wareegay, kuwaasi oo aad u hubeysnaa.

Al Shabaab inay la wareegaan Qalimow ayaa ka dambeysay kadib markii halkaasi ay ka baxeen ciidanka Millatariga Soomaaliya oo la sheegay inay ka war hayeen xogta ah in Shabaab ay ku soo wajahan yihiin.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in sidoo kale Shabaab ay la wareegeen wado ay isticmaali jireen masuuliyiinta Hirshabeelle iyo dadka shacabka ah, taasi oo isku xirta magalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Shabaabka la wareegay degaanka Qalimow ayaa qaarkood waxa ay gudaha u galeen degaanka, halka qaar kalena ay gaaf wareegayaan hareeraha degaanka.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in degaanka ay uga baxeen qorshe Millatari, saacadaha soo socdana ay dib ugu laaban doonaan.