Al-Shabaab oo la wareegay deegaan cusub oo ka tirsan Gobolka Hiiraan

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay si buuxda u maamulaayaan gacanta heynta deegaanka ceel Cali ee gobolka Hiiraan ka dib markii ay saakay  ay iskaga baxeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Ciidanka Dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howgalka Midowga Afrika.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in boqolaal ka mid ah askartooda ay gudaha u galeen Magaalada , islamarkaana ay si buuxda u maamulayaan.

Dadka deegaanka ayaa idaacadda Risaala  u sheegay in Al-Shabaab  ay bilaabeen baaritaan ay ku baadigoobayaan dadkii taageersanaa dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka dowladda Itoobiya ee ku sugan gudaha deegaanka Ceel cali.

Deegaanka Ceelcali ayaa ah deegaan muhiim ah waxaana uu magaalada Baledweyne u jiraa 75 km dhanka Galbeed.

Ciidammada dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa AMISOM iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka iskaga baxay deegaanka ka dib markii xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen.

Shacabka ku sugan Deegaanka Ceel Cali ayaa Risaala u sheegay in ay arkayeen gadiidka gaashaaman ee Ciidanka Itoobiya oo kasii baxaya halkaa, una jiheystay dhinac magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidanka Itoobiya ayaa bilaabay bilihii lasoo dhaafay in ay ka baxaan deegaanadii ay kala wareegeen Al-Shabaab.