Al shabaab oo kordhiyay tirada weerarada ka dhaca gudaha Kenya

Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, Al-Shabaab ayaa weerarro badan ka fulisay gudaha waqooyi-bari Kenya,  Tan iyo bilowgii sanadkaan, iyaga oo  si isdaba joog ah u sheeganeysay howlgallo ay ka fulisay gudaha dalka.

Warbixintaan oo ay daabacday jariirada Long War Journal ayaa lagu sheegay in weerada sanadkaan ahaayeen kuwa aad ugu sii kordhayay Kenya, waxaana ugu badan ahaayeen Bishaan sii dhamaaneysa ee May.

Laga bilaabo 21-kii May, seddex sarkaal oo ka tirsan booliska Kenya ayaa lagu dilay qarax miino loo adeegsaday oo ka dhacay Gobolka Mandheera, Shabaab waxay sheegtay “in ay dileen 13 ka tirsan ciidamada Kenya, kadib weerar gaadmo ah oo ay ka geysteen gobolka Mandheera, 12 ka mid ah waxaa lagu dilay qarax halka sarkaal boolis ah ay toogteen.

Kadib 18-kii Maajo, ugu yaraan 8 askari oo Kenyan ah ayaa lagu dilay qarax miino iyo weerar gaadmo ah oo xigay, kaasi oo ka dhacay Gobolka Lamu, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 12 askari oo kale, waxaana masuuliyada weerarkaasi sheegrtay  Al-Shabaab.

Weerarkaasi kadib, Ciidamada Difaaca Kenya ayaa waxay hawlgal ballaaran ka bilaabeen gudaha Kaymaha Boni oo ah saldhig muddo dheer ay ku sugnaayeen Al-Shabaabka Lamu, ilaa haddane dowlada kenya ma sheegin waxa natiijada ah ee ka soo baxay.

May 12-keedii, saddex ka mid ah ciimada booliiska Kenya ayaa lagu dilay weerarro ka dhan ah shirkada taleefannada ee Gobolka Mandheera, waana Kaliya laba maalmood ka hor, markii ciidamada Kenya  iyo xoogagga Al Shabaab ay isku dheceen, iyaga oo isku dayaya in ay burburiyaan xarunta isgaarsiinta ee gobolka Lamu balse Kenya waxaa ay sheegtay in weerarkaasi la fashiliyay.

Al-Shabaab muddo dheer ayey ka howlgaleysay Kenya, laakiin howlgalladan ugu dambeeyay ayaa waxay yimaadeen, ka dib dhowr sano oo ay cadadis saareen dowlada Kenya laga bilaabo 2017.

Howlgaladan ayaa inta badan ka dhacay gobolada waqooyi bariga ee Mandheera, gaar ahaan Wajeer, Gaarisa, Lamu, iyo Tana River.

Sanadkii 2019, Wargeyska The Standard ayaa soo wariyay in ugu yaraan 100 ka tirsan shaqaalaha amniga Kenya ay miinooyin ku dileen Al-Shabaab.

Qiyaasta weerarada ka dhaca gudaha waqooyi bari Kenya ayaa sidoo kale muujineysa heerka kooxda iyo saameynta ay ku leeyihiin gobolada aan soo sheegnay.

Bilowgii sanadkaan, Ali Roba, oo ah gudoomiyaha gobolka Mandheera ee Kenya, wuxuu si run ah uga hadlay luminta gacan ku heynta inta badan dhulkooda, isaga oo welwel ka muujiyay weerarada xariirka ah ee kooxda iyo mustaqbalka muwaadiniinta ree Kenya halka uu ku dambeyn karo, waxaana uu yiri “Shabaab waxay la wareegeen in ka badan 50 boqolkiiba dhulkii Waqooyiga Kenya.”

Isaga oo ka hadlaya deegaankiisa Mandheera, ayaa waxa kale oo uu intaas ku daray in “Al-Shabaab ay maamusho in ka badan 60 boqolkiiba Mandheera iyada oo la raacayo rabitaanka dadweynaha ee argaggixisada lagu cabudhiyay.” Ayuu yiri.

Dhanka AlShabaab ayaa la sheegay in heystaan awooda gudaha caasimada Kenya, sida lagu arkay weerarkii 2019 ee hoteelka DusitD2.

Al shabaab ayaa  sidoo kale awood u yeelatay in ay weeraraan saldhigyada ugu weyn ee Mareykanka iyo Kenya ay ku leeyihiin waqooyi bari iyo garoonka diyaaradaha Manda Bay ee kuyaala Gobolka Lamu, Weerarkaas waxaa ku dhintay hal askari oo Mareykan ah iyo laba qandaraaslayaal Mareykan ahaa,  waxaana ku burburay diyaarado badan.

Weerarkii DusitD2, iyo sidoo kale weerarkii aan soo sheegnay ee Manda Bay ayaa waxaa lagu muujiyey qaabka ay u dheceen baraha taabacsan Al shabaab.

Weerarada ugu badanaya Gudaha Kenya ee dhanka Alshabaab uga yimid ayaa muujinaya in xukuumada Nairobi ay u taag la’dahay kooxdaan jihaadiga ah tan iyo sanadkii 2013, oo ururku bilaabay weerarada lixaadka leh ee Dalkaasi.

 

Warbixintaan waxaan ka soo xiganay Jariirada Long War Journal