Warkan lagu daabacay barta taageerta ururka alshababa ayaa waxa ay guulo ugu sheegteen weerar xalay ay ciidamada dowalada Somalia & Mareykanka ku qaadeen degmada Janaale oo katirsan degmooyinka ay maamulaan urruka alshabab.
Alshabab ayaa waxa ay sheegteen in ay iska caabiyeen weerarka ay ku qaadeen ciidamada dowalada Somalia & Mareykanka iyagoo intaas ku daray in diyaaradaha Drone-ka ee dowladda Mareykanka ay duqeeyeen guryo dad shacab ah deganyihiin.
Ururka Alshabab ayaa sheegtay inay fashiliyeen isku dayga weerarkaasi qorsheysnaa ee Ciidamada Mareykanka & kuwa Somalida ay ku qaadeen Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose.
Ilaa iyo iminka Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ciidamada Mareykanka & kuwa Somalida, balse arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo muddooyinkii dambe Ciidamada Mareykanka ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan Ururka alshabab Shabaab.



