Al-Shabaab oo gubay Tuulo ku taalla Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bud bud oo u dhaxeeya degmooyin Ceelbuur iyo sidoo kale Ceeldheer ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay dab qabasiiyeen meelo badan oo ka mid ah deegaanka Bud-Bud oo ay shalay kala wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Isgaarsiinta ayaa hawada ka maqan waxaan wararka laga helaayo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay gubeen xarumo ay daganaan jireen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sido kale kuwa AMISOM.

Wakaalada dowladda ee SONNA  ayaa ku warantay in ay Al-Shabaab dab xoogan ay qabasiiyeen deegaanka Bud-Bud oo ay Shalay gacanta ku dhigeen.

Al-shabaab ayaa shalay  la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Budbud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ku la dagaalameen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

La wareegida Shabaabka ee deegaankan ayaa timid, kadib markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen deegaanka oo ay u dhaqaaqeen dhanka Deegaanka Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaalyahanada Shabaabka ayaa ku sugnaa Difaacyadii ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ku lahaayeen deegaankan Budbud oo Qiyaastii 70-Km u jira Degmada Ceelbuur ee Gobolkaasi Galgaduud.

Al-shabaab ayaa ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee deegaanka Budbud waxa ay ku sheegeen in ay tahay, kadib markii ay kordhiyeen weerarada dagaalka ah ee ciidamada Shabaabka ku qaadayaan deegaankaasi.