Al-Shabaab oo Saacado kooban la wareegay Xaafado ka tirsan Mahadaay

Sidda ay  Idaacadda Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Al-Shabaab ayaa saacaddihii lasoo dhaafay saaray culeys dadka kunool degmada Mahadaay.

Xalay Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin ciidanka dowladda, waxaana sidoo kale jiray Qarax miino oo ka dhacay goob ay maamulaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab oo wata gawaarida dagaal ayaa soo galay magaalada galabta ka dib markii ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku mashquuleen soo saarista miinooyin Al-Shabaab ay aaseen sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Al-Shabaab ayaa u khudbeeyay dadka kunool Xaafaddaha magaalada qaarkood ka dibna iska baxay, waxaana hadda magaalada gacanta ku haya ciidanka dowladda Soomaaliya.