Al-Bashiir oo ammaanay Donald Trump

Madaxwaynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ammaanay madaxwaynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, wuxuuna sheegay in ay sahlanaan doonto in lala macaamilo, sidaas waxaa ku waramay wargayska al-Khaleej ee Imaaraadka Carabta ka soo baxa.

Bashiir ayaa sheegay in Trump uu diiradda saaro danaha muwaadiniinta Maraykanka, halka madaxda kale ay ka hadlaan dimuqraadiyad, xuquuq aadane iyo isla xisaabtan. Sidaas waxaa lagu daabacay wargayska oo waraystay Al-Bashiir.

Wuxuu intaas ku daray in ay la macaamili karaan “dad labo wajiile yaal ah balse qofkani uu yahay nin wado cad haya”.

Bashiir wuxuu sheegay in uu ku adkaysanayo in la macaamilida Trump ay aad uga sahlanaan doonto kuwa kale maadaama uu yahay “nin meel loogu soo hagaago leh oo ganacsade ah kana fiirsada danaha dadka uu la macaamila.”

Hogaamiyaha Suudaan ayaa xilka afgambi kula wareegay sanadkii 1989-kii waxaana lagu dhaliila in xukuumadiisa in ay dadka caburiso ilaa iyo wakhtaagaas.

Waxaa raadinaysa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC, oo u haysata in uu xasuuq ka gaystay gobolka Darfur, laakiin eedaymahaas wuu diiday.