AKHRISO Sheekooyinka ugu Xiisaha Badan Suuqa Ciyaartooyda

Kullan wacan oo wanaagsan aqristayaasheena meel kasta oo aad joogtaan, kusoo dhawaada wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

# Chelsea oo keeneysa midkood Jack Butland ama Jordan Pickford haddii Thibaut Courtois ka tago kooxda

# West Ham xiddigeeda Pedro Obiang ayaa jeclaan lahaa inuu ku laabto Serie A.

# Bristol City waxay u dhaqaaqday Mo Eisa oo ka tirsan kooxda Cheltenham.

# Lyon ayaa rajeyneysa inay iska iibiso seddex ciyaaryahan oo uu ku jiro ciyaaryahankii hore ee Man United Rafael.

# Leicester City ayaa diiday dalab uga yimid kooxda Al Nassr  oo xiiso u qabta Axmed Musa.

# Jurgen Klopp ayaa albaabka u furay ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Christian Pulisic.

# Anthony Martial oo qandaraas cusub ka helay Man Utd, iyo xiddiga oo doonaya inuu dhaqaaqo.

# Joe Hart ayaa lala xiriirinayaa inuu ka tago Manchester City kuna biiray Chelsea.

# AC Milan ayaa go’aansatay inay lasoo saxiixato labada weeraryahan ee Alvaro Morata iyo Karim Benzema xagaagan.

# Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay dalab u dirtay xiddiga garabka uga ciyaara Chelsea Willian, kaasoo 60 milyan oo ginni ku kacaya.

# The Sun’ ayaa sheegeysa in Real Madrid ay dalab 120 milyan oo ginni ah u dirtay xiddiga Chelsea Eden Hazard, laakiin ‘blues ayaa dooneysa £ 200m.