AKHRISO: Xildhibaan Mahad Salaad ” Xabado ayaa laygu riday”

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta  waxa ay sheegeen in ciidamo ka tirsan Booliska ay xabado ku fureen,islamarkaana ay Amnigooda maanta uu halis galay.

Xildhibaanada Maanta sheegay in la handaday waxaa ka mid ah xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo Warbixintaan qoray kuna muujiyay sidda ay wax u dhaceen.

“Saakay 10:00 subaxnimo aniga oo u socda xarunta Golaha Shacabka ayaa ISGOYSKA SOOBE waxaa nagu celiyay ciidamo Boolis ah oo wadadu u xirneed. Kadibna waxay amar nagu siiyeen inaan KALA WAREEGNO (laabano). Waxaan u sheegay inaan Xildhibaan ahay, una socdo xarunteyda shaqo ee Golaha Shacabka. Waxayna nagu dhaheen amar ayaan qabnaa oo kuma sii daynayno. Waxaan ka codsaday in ay noogu yeeraan taliyehooda. Wuxuuna ii sheegay askarigii ila hadlayay in uu isagu meeshaan taliye ka yahay, amarna uu qabo uusana na sii daynayn!

Kadibna qori ayuu inta nagu qabtay amar ku bixiyay inaan kala wareegno. Ciidamo ilaalo ah oo ila socday ayaa dagay oo ku yiri qof mas’uul ah ayaan wadnaa ee qoriga naga leexiya. Kadibna waxay bilaabeen ciidankii ila socday in ay qoryaha kula dhagaan.

Gaariga ayaan kasoo dagay waxaanan ka codsaday in qoryaha askarta ay ka fuqaan iina ogolaadaan inaan la hadlo taliyehooda. Kadibna xabado ayaa nalugu riday. Mudo kadib ayaa waxaa noo yimid saraakiil boolis ah waxayna balan qaadeen in ay tilaabo ka qaadi doonaan askartii falkaan ka mas’uulka ahaa.

Golaha Shacabka ayaa gudi usaaray mudo 48 saacadood ah in ay jawaab uga keenaan arintaan iyo arimo kale oo dhowr jeer soo laablaabtay oo lagula kacay Xildhibaanada.

Sharaf iyo karaamo ayaan u haynaa ciidamada qalabka sida, waanan ku bogaadinaynaa mas’uuliyada amni ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u hayaan. Lkn waa in ay dhowraan xorriyada isku socodka shacabka ah iyo xasaanada dadka mas’uuliyiinta ah.