AKHRISO: Warbixin maxaa keenay in Eritrea ay dhexdhexaadiso Soomaaliya iyo Imaaraatka ?

Muqdisho-RisaalaFM- Imaaraatka Carabta ayaa kaalin weyn ku lahaa isku soo dhawaanshaha Ethiopia iyo Eritrea, iyadoo uu dhaqaalo ku bixiyay sidii labada dhinac heshiis ay u gaari lahaayeen, Imaaraatka inuu la dhinac noqdo Ethiopia iyo Eritrea waxaa qasbay markii uu waayay heshiisyadii dekadaha ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Eritrea iyo Soomaaliya ayaa hadda yeelanaya xiriir isku soo dhawaansho, waxaana 15 sano kadib ay is dhaafsanayaan safaarado, iyagoo safiiro magacaabi doona.

Siyaasadda cusub ee gobolka ayaa timid markii heshiisyo ay gaareen Ethiopia iyo Eritrea, Imaaraatka Carabta ayaana hoggaanka labada dal guddoon siiyay Bilado kadib heshiiskoodii.

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharci mamnuucaya in shirkadda DP World aysan ka shaqeyn karin dalka, waxaana sharcigaasi uu horyaalaa madaxweynaha Soomaaliya oo aan wali saxiixin.

Haddii Eritrea ay ka shaqeyso isku soo dhawaanshaha Imaaraatka iyo Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida xaalka shirkadda DP World noqon doono.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Eritrea iyo Soomaaliya ay ka shaqeyn doonaan horumarka dalka Geeska Africa.

“Dabcan Dowladda Eritrea iyo Imaaraadka oo isku fiican, waxay kaalin mug leh oo macno leh ka qaadan kartaa inay isku soo dhaweyso Soomaaliya iyo Imaaraatka oo arrimo badan oo la kala tabanayay ay beryahan jireen”. Ayuu yiri Wasiir Daahir Maxamuud Geelle.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ahaa mid mugdi galay, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii April ee sanadkan markii ciidamada ammaanka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen lacag gaareysay 10 Milyan oo u socotay safaaradda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho.

Dhacdadaas ayaa keentay in Imaaraadka Carabta ay cambaareeyaan sida loola dhaqmay oo ay ku tilmaameen inay tahay mid ka baxsan xeerarka diblomaasiyadda, waxaana ay joojiyeen hawlihii tababarka iyo taageerida ciidamada Soomaaliya.

Isbedelka ka bilowday gobolka Geeska Afrika ayaa sabab u noqday xulufo cusub oo ka dhex bilowda dowladaha Eritrea, Itoobiya, Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta, waxaana muuqata in loolanka loogu jiro dalalka ku yaalla Badda Cas inuu saameyn ku yeelanayo Soomaaliya.

Booqashadii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku yimid Soomaaliya 16 June 2018 iyo heshiisyadii Afarta dekadood ee uu la galay madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhalisay shaki badan, maadaama ka hor booqashada Abiy ee magaalada Muqdisho uu la kulmay masuuliyiin ka tirsan Imaaraatka Carabta.

Waxaa sidoo kale booqashadii Abiy Ahmed ee Muqdisho ka hor, Imaaraatka Carabta ay bangiga Ethiopia ku shubeen dhaqaalo gaaraya 3 Milyan oo Dollar, taasi oo la sheegay in lagu kabayay dhaqaalaha Ethiopia.

Imaaraatka ayaa joojiyay howlihii tababar ee uu ka waday magaalada Muqdisho markii uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Soomaaliya, waxaana joogsaday dhaqdhaqaaqyo badan oo ay ka wadeen Soomaaliya, laakiin ma aysan joojin dhaqdhaqaaqii ka socday qaar ka mid ah gobolada dalka.

Waxaa jirtay dacwad dowladda Soomaaliya ka gudbisay Imaaraatka Carabta oo loo diray Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta, taasi oo ku aadaneyd inay faragelin toos ku hayaan Soomaaliya.

Ka sokow Imaaraatka in xiriirka uu la lahaa Soomaaliya uu xun yahay, haddana xulufada Sacuudiga ayaa aaminsan in hoggaanka Soomaaliya ay Qadar taageersan yihiin, laakiin dowladda waxay sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay khilaafkii dhexmaray sanad ka hor Qatar iyo Xulufada Sacuudiga.

Isbaheysiga cusub ee gobolka oo Xulufadda Sacuudiga ay wadeen ayaa caqabad ku noqon kara danaha wadamada Turkiga & Qatar ka leeyihiin wadamada Geeska Africa gaar ahaan Soomaaliya.

W/D:- Maxamed Ciise Maxamuud