Akhriso:-Taariikhda Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka

Axmed Macalin Xasan oo uu maanta u magacaabay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu noqdo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka wuxuu waxbarashadiisa ku qaatay magaalada Muqdisho, isaga oo kamid ahaa ardaydii ka aflaxday Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali.

Mudane Axmed Macalin sidoo kale wuxuu kamid ahaa Dufcaddii ka qalin jabisay Machadka Duulista Rayidka ee Soomaaliya sanadkii 1990.

Maareeyaha cusub wuxuu sanadkii 1999 sidoo kale shahaado ka qaatay Dugsiga Duulista Hawada ee Bariga Afrika.

Sanadkii 2011 ayuu Shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master Degree) ee Maamulka Duulista Hawada ku sameeyay London Metropolitan University.

Axmed Macalin Xasan wuxuu ka shaqeeyay Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta, Garoonka Caalamiga ee Kotoka ee magaalada Accra, Ghana iyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan, wuxuuna leeyahay khibrad 31 sano ah oo la xiriirta Duulista Rayidka oo 14 sano oo kamid ah uu la shaqeeyay Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO.