AKHRISO: Sagaalka Qorshe ee Madaxweynaha cusub ee DDSI uu ku dhawaaqay

Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar ayaa markii ugu horeysay ka shanqariyay barnaamijkiisa waxqabad marka uu soo dhiso golaha wasiiradda.

Waxaan kasoo qaadanay 9 qodob oo ka mid ah waxyaabaha uu sheegay in uu qaban doono.

1.Isbadelada

Isaga laftiisa waxa uu ku yimid isbadal siyaasadeed kii ugu balaarnaa oo ka dhacay guud ahaan Itoobiya tan iyo intii uu xilka Ra’isulwasaarenimada qabtay Abiy Axmed, sidaas darteed Mustafa Cumar waxa uu doonayaa in isbadalada ka socda guud ahaan Itoobiya ay ka dhaqangalaan deegaanka Soomaalida.

Isaga oo hadlayana waxa uu yiri “Isbadalka heerka qaran ka socda ma jirto sabab uu deegaanka Soomaalida uga haro, waxaanan rabaa in uu halkan ka socda, sida xagga dimoqoraadiyadda, xuquuqda insaanka, hormarka, iyo in lasoo afjaro colaadaha”.

2.Kala dambeynta

Madaxweynaha Mustafa waxa ugu dambeeya ee uu jeclaan lahaa in uu arko ayaa ah in sharcigii iyo kala dambeyntii ay burburto xilli deegaanka uu galay marxalado adag, sidaas darteed wuxuu doonayaa in sharciga uu sareeyo.

“Soo celinta sareynta sharciga , xuquuqul qowlka, lana joojiyo ku tagri falka awoodaha xad dhaafka ah” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe.

3.Astaamaha Soomaalinimada

Waxyaabihii ugu horeeyay ee uu durba hirgaliyay madaxweyne Mustafa waxaa ka mid ah in lasoo celiyay calankii xiddigta shanta gees ay ku tiilay ee hore deegaanka u lahaa iyo waliba magacii oo lagu soo koobay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

“In lasoo celiyo astaamihii Soomaalinimo ee muujinayay isirka aan kasoo jeedno, taas oo aan wax dhimaal ku ahayn in aan ka tirsanaano dowladda federaalka, Itoobiya boqol qoowmiyadood ayay leedahay, cid kasta dhaqan, diin iyo af u gaar ah ayay leedahay, kuwaana waxaan uga cararnaa meesha ma taalo” ayuu baarlamaanka ka hor yiri Mustafa Cagjar oo uu sacab weyn u dhacay.

Wuxuu intaas ku daray in haddii Soomaalinimada la xajisan waayo halis loo galayo in dhaqan guur uu yimaado.

4.Awood Qeybsiga

Mid ka mid ah waxyaabaha ay muddo dheer ka hadli jireen, kana caban jireen dadka deegaanka kasoo jeeda ee aanan ku qanacsanayn xukuumadihii horey u jiray ayaa waxaa ka mid ah in la duudsiiyay saami qeybsigii deegaanka ku lahaa dhanka fededaarka.

Haddaba madaxweyne Mustafe Cagjar oo arrintaas ka hadlay ayaa yiri “Waxaan rabnaa in aan soo celino qeybta uu deegaanka ku leeyahay awood qeybsiga iyo kheyraadka dalka”.

5.Isdhexgalka

Muddo dheer dadka deegaanka waxa ay ka cabanayeen xirnaanshaha xudduudaha iyo waliba dhaqdhaqaaqa ganacsiga oo ahaa mid aad u xadidan.

Balse Madaxweyne Mustafe ayaa doonaya, sheegayna in uu wax ka qabanayo arrinkaas “Is dhexgalka, oo ay koow ka tahay in dadka aan Soomaalida nahay dhex galno. Xudduudaha isu furno, dadka isu talaabaan, wada ganacsadaan, wixii ka baxsan siyaasadda ay isku mid ahaadaan”.

6.Diinta

Madaxweynaha cusub ayaa balanqaaday in dowladdiisa aysan farogalin doonin arrimaha diinta, dadkana ay xor u ahaan doonaan in ay cibaadeystaan, wuxuuna yiri “In aan wax ka badalno dhibaatooyinkii ku dhacay xagga diinta, in dadka ay u madax banaanaadaan cibaadada, dowladana ay faraha kala baxdo”.

7.Kaalinta Dumarka

Waxa uu aad u boggaadiyay xukuumaddii ka horeysay ee Cabdi Maxamuud Cumar kaalintii ay ka ciyaartay sare u qaadista qoondada dumarka iyo ka qeybqaadashadooda dowladda, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in taas ay noqon doonto arrin aanan waxbo u dhimmi doonin dhaqanka iyo diinta.

8.Dadka La Takooro

Madaxweynaha cusub ayaa dhanka kale balan qaaday in dadka la takooro loo sameyn doono barnaamijyo dowladdeed oo u gaar ah oo lagu hormarin doono, wuxuuna ka yiri “In la taageero dhab ah loo sameeyo dadka la heeb sooco ee Soomaaliyeed, taas oo aan dhammaanteed ku ceebeysanahay, in dhanka shaqaaleynta, guryaha iyo waxbarashadaba barnaamijyo u gaar ah loo sameeyo”.

9.Dib u curashada

Madaxweyne Mustafe ayaa ka hadlay barnaamijkii dib u curashada ee xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar, taas oo uu sheegay in si khaldan loo waday, balse isaga uu sheegay in sidii saxda ahayd loo wajihi doono.

Isaga oo arrintaas ka hadlayana wuxuu yiri “Dib u curashadu si qaldan ayaa loo fuliyay, waxaa muhiim ah in deegaan kasta ay maamulaan dad u dhashay”.

XIGASHO BBC.