AKHRISO: Sacuudiga oo ka hor imaaday codsi kaga yimid Turkiga

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga wuxuu sheegay in dadka lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Kaashogji lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Sucuudiga.

Caadil Al Jubeyr oo ka hadlayay shir ka socday dalka Baxreyn wuxuu ku eedeeyay warbaahinta reer galbeedka inay bunbuuniyeen markii ay tebinayeen dhacdada.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli Turkiga uu codsaday in loo soo gacan geliyo 18 qof oo u dhashay Sucuudiga oo looga shakinsan yahay inay wax ka ogaayeen dilka weriye Jamaal Kaashogji.

“Arrinta ku aadan dhiibista, shakhsiyaadka waa muwaadiniin u dhashay Sucuudiga, waxaa lagu xiray gudaha Sucuudiga, baaritaanada Sucuudiga ayay ka socdaan, waxaana lagu maxkamadeyn doonaa gudaha dalka Sucuudiga” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibaddaa Sucuudiga.