War kasoo baxay maamulka Puntland ayaa looga hadlay dagaaladii shalay Gelinkii dambe ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Puntland ayaa ku eedeeysay Ciidanka Nabad suggida Soomaaliya in ay ka qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay gobolka Mudug ee u dhaxeeyay ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.



