Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Hon Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa ka hadlay shilka ay diyaaradda Air Jabuuti maanta ku gashay Garoonka diyaaradaha Janeraal Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe.
Wasiirka ayaa sheegay in diyaarada ay ka timid dalka Jabuuti, isla markaana ay siday 34 ruux,waxaana sababta shilka uu ku sheegay inay Diyaarada ay dhulka ku dhufatay labada lug ee dambe oo mid kamid ah ay qaarxyada.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in duuliyaha diyaarada uu ku dadaalay in aysan diyaarada ka bixin Ran-wayga, sidoo kalena dhamaan dadkii saarnaa diyaaradii shilka gashay.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Hon Ilyaas Cusmaan Lugatoor waxaa uu sheegay inay guddi baara sababaha keenay shilka diyaarada ay u saareen, kaas oo ka kooban lix Xubnood, kuwaas oo kala ah.
1: Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cabdicasiis Maxamed Macallin
2: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Ali Yuusuf
3: Agaasimaha duuliska Hawada Puntland Beyloote Moote
4: Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe Cabdirashiid Jaamac Maxamed.
5: Nicalos oo ah Injineerka Diyaaradda.
6: Madaxa Taawarka Xamiim