AKHRISO: Magacyada dad Ciidamada AMISOM ay ku dileen maanta Muqdisho

Qaar ka mid ah Ehelada dadkii Shacabka ahaa ee Saakay ay dileen Ciidanka AMISOM ayaa faahfaahin ka bixiyay sidda loo dilay Afar qof oo Shacab ahaa ,kuwaasoo oo ahaa darawalo.

Dilka ayaa yimid kadib markii qarax lagula eegtay nawaaxiga Ex-Control Balcad Ciidanka dowladda Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ehelada dadkii ay laayeen ciidamada AMISOM, ayaa waxa ay sheegeen falkaasi inay gaysteen ciidanka Burundi oo ka tirsan AMISOM,waxayna ka dalbadeen dowladda Soomaaliya in Cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Waxay kaloo sheegeen haddii dowladda Soomaaliya Cadaalada ay horkeeni waydo ciidamada AMISOM ee laayay dadkaasi shacabka ah in si deg deg ah go’aan ay u qaadanayaan oo ay iska dhicinayaan ciidanka Burundi.

Magacyada dadka AMISOM ay laayeen, ayaa waxa ay kala yihiin.

Qaasim Daahir Khayre Darawal
Xasan Yuusuf Siyaad Darawal
Cali Shire Ugaas Darawal
Axmed Maxamud Bajaajle Darawal