AKHRISO: Magacyada 6-da Senator

Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa waxaa loo xil saaray 6 Senator oo ka kala socda Maamul goboleedyada.

Guddigaan ayaa waxaa ay ka shaqeyn doonaan Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo la filaayo in ay dhawaan ka dhacdo dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa waxaa loo doortay Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay Hirshabeelle, halka Xoghayaha loo magacaabay Senator Farxaan Cali Xuseen oo ka socda Puntland.

Lixda xubin ee Aqalka Sare ee loo xil saaraya Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa waxa ay kala yihiin:-

1. Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay Maamulka Hir Shabeelle.

2. Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo ka socota Maamulka Galmudug.

3. Senator Farxaan Cali Xuseen oo ka socda Maamulka Puntland.

4.C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo laga soo doortay Maamulka Jubbaland.

5. Senator C/risaaq Axmed Cali oo ka socda Maamulka Somaliland.

6. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo laga soo doortay Maamulka Koonfur Galbeed.