AKHRISO:- Maamule KMG ah oo loo magacaabay Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Maxamuud Xayir Ibraahim oo ah Wasiiru Dowlaha Maaliyadda ahna Kusimaha Wasiirka Maaliyadda ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu Xasan C/casiis Axmed (Xasan Baashi) si KMG ah ugu magacaabay maamulaha Furdada Dekedda Muqdisho ee Canshuuraha.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii saacado kadib la xiray maamulihii Furdada, kuxigeenkiisa iyo shaqaalaha canshuuraha Dekedda Muqdisho, oo lagu eedeeyay musuq maasuq.

Maamulaha KMG Xasan Baashi ayaa markii la magacaabay waxaa durbadiiba lagu dhaariyay Xafiiska Wasiiru dowlaha Maaliyadda.