Akhriso:- Khudbadda Madaxweynaha ee Shirka Afrika Now+SAWIRO

Mudane Madaxweyne Yoweri Museveni Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania 
Wasiirka Ganacsiga ee Masar

Mudanayaal iyo Marwooyin, iyo martida sharafta leh,

Waxa sharaf ii ah inaan Kampala joogo aniga oo Shirka “Africa Now” kala qayb-gelaya madaxda Afrika, ganacsatada waaweyn iyo aqoonyahanka ku takhasusay Horumarka. Waxaan Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Dowladda Uganda uga mahadcelinayaa soo dhawaynta iyo martisoorka diirran ee aniga iyo waftigayga na loo fidiyey. Waxaan sidoo kale hambalyeynayaa qabanqaabiyayaasha shirkan—gaar ahaan Xarunta Istaraatijiyadeed ee Hoggaaminta oo shirkan suurtagelisey.

Cinwaanka Shirka ee “Africa Now” waa mid gaar ah, maxaa yeelay badanka dadka falanqeeya arrimaha Afrika waxay xoogga saaraan taariikhda Afrika iyo waxa ay mustaqbalka noqon karto. Walow ay taas lafteedu muhiim tahay, haddana dadaalka iyo guulaha hadda la gaaro ayaa qaabeeya mustaqbalka iyada oo laga shidaal qaadanayo tagtadii. Waa inaan hore u soconnaa innaga oo keliya aan rajo fiican ka qabin mustaqbalka balse ku kalsoon dadaalladeenna hadda.

Tani waa midda uu Madaxweyne Museveni uu tilmaamayey markii aan ka hadlaynay dib u habeynta Qaaradda. Runtii, aad baan ugu raacansanahay marka uu leeyahay aan ka gudubno xaddiga waxsoosaarka oo aan u gudubno tayada waxsoosaarka. Walaashay Saamiya Suluhu, Madaxweyne K/Xigeenka Tanzania iyaduna waxay soo hadal qaadday in horurmaku iyo hoggaamintuba ay noqdaan mid loo dhan yahay oo ay haweenka iyo dhallinyaraduba kaalin muuqato ka ciyaaraan horusocodnimada qaaradda. Sidoo kale, Mudane William Ruto ayaa cinwaankan ka hadlay.

Hadda ayaynu u baahannahay hoggaan dardargeliya isbeddelka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika; hadda ayaynu u baahannahay inaan yagleelno mustaqbal waxtar u leh dhallinyarada iyo haweenka Afrika, hadda ayaan u baahaannahay inaan fahanno isla markaana ka hortagno saamaynta Isbeddelka cimiladu ku yeelanayo koboca dhaqaalaha; hadda ayaan u baahannahay inaan xal heer degmo, heer qaran iyo heer caalami ah u helno caqabadaha aynu wadaagno sida kuwa ganacsiga iyo amniga. Ugu danbayntiina, hadda ayaynu u baahannahay inaynu isku xirno dhaqaaleheenna innaga oo adeegsanayna kaabayaal dhaqaale oo muuqda iyo kuwa casriga ah, si aan u helno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan fursad u helay inaan ka qayb-galo kulamo kala duwan intii shirku socday aniga oo dhegaystay fikrado badan, siyaasado iyo tallaabooyin la soo jeediyay, waxaana qirayaa inaan ku rajo weynahay inaan ka qaarad ahaan gaari karno himilooyinkeenna haddii aan xoojinno iskaashigeenna. Ma jirto caqabad aan laga gudbi karin, buur aan la fanan karin iyo meel aan la gaari karin, haddii la helo ujeeddo guud iyo dadaal dhankeenna ka yimaadda. Waxaan aaminsanahay inaan haysanno hay’adihii, dadkii, aragtidii iyo hoggaamintii loo baahnaa si aan u gaarno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo.

Warqaddii martiqaadka ee uu ii soo diray Mudane Madaxweyne Museveni waxaa ku xusnayd inuu yahay qof rajo fiican ka qaba Afrika, waxaana rabaa inaan u sheego inaan dhammaantayo la wadaagno jacaylka iyo qabka uu u hayo qaaraddeenna qurxoon. Balse waa inaan si maangal ah u fekernaa oo aan ogolaannaa baahida loo qabo doodo wax ku ool ah iyo istaraatijiyad heer qaarad oo ku aaddan isbeddelka dhaqaale, maalgashiga, koboca dhaqaale iyo shaqo u abuuridda dhallinyarada si Afrika iyo dadkeeda kala jaadka ahi uga faa’idaystaan awooddooda, ugana badbaadaan dabinka saboolnimada iyo horumar la’aanta. Khibradeenna ayaa ina baraysa in hantideenna ugu qaalisan sida dhallinyarada iyo khayraadka dabiiciga ah ay noqon karaan caqabad haddii aynaan si fiican u malgaashan, una maarayn. Arrintan mar danbe uma adkaysan karno maadaama oo caalamku isu soo dhawaanayo, qaarad kastana ay innaga horumarayso, innaga oo isku dayayna inaan gaarno.

Hoggaaminta iyo masuuliyad wadareedku waa tiirarka ugu muhiimsan ee isbeddelka, dib u habaynta iyo horumarka. Isdhexgalka, Amniga iyo Koboca Dhaqaale ee Afrika waa masuuliyad saaran qof kasta oo kamid ah hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo ganacsiga iyo sidoo kale muwaadin kasta. Si kale haddaan u dhigo, waa inaan dhammaanteen ka qayb-qaadannaa horumarinta qaaraddan qaniga ah isla markaana qurxoon. Waqtigii wax kasta laga sugi jiray dowladda waa uu dhammaaday. Dowladaha, hoggaamiyayaasha ganacsiga iyo muwaadiniintu waa inay si dhaw uga wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa heshiis bulsho oo cusub oo ku salaysan yagleelidda mustaqbal dan u ah dhammaan dadka oo idil. Waa inaynu ganacsiga iyo siyaasadda casriyaynaa oo hal abuur cusub ku soo kordhinnaa, kana faa’idaysannaa iskaashiyada caalamiga ah iyo kuwa heer qaarad. Waa inaan si madaxbannaan u qiimaynaa saamaynta siyaasadeheenna isla markaana si wadajir ah u fekernaa, maxaa yeelay wadajirka ayaynu ku xooggannahay,

Fursadaha horyaalla Afrika waa tiro badan yihiin. Waxaan leennahay dhalliyaro da’ ahaan aad u yar, dhul qiimo badan, khayraad badeed iyo dhaqan soojireen ah oo iskaashi iyo is-taageerid ku dhisan. Sidoo kale, teknaloojiyadda iyo isbeddelka ku yimi adeegyada dowladda ee asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka awgeed, Afrika waxay fursad u haysataa inay hormuud ka noqoto dhinacyo badan oo fure u ah horumarkeenna sida warshadaha, isu socodka alaabaha iyo dadka iyo dhaqaalaha casriga ah, iyada oo aynu weli ku xooggannahay beeraha iyo dhinacyada kale ee soojireenka ah.

Ganacsiga Afrika dhexdeeda ah waa waajib haddii aynu doonayno inaynu qaarad ahaan barwaaqowno. Waa inaan marka hore dhexdeenna u suuq-geynaa isla markaana ku iibinnaa badeecadda iyo adeegyada Afrika lagu sameeyo. Xaqiiqadu waxay tahay Afrika ayaa ah suuqeenna ugu muhiimsan ee ay ganacsatadeennu faa’idada ugu badan ku haysato. Waxa intaasi dheer, abuuridda iyo hirgelinta hindisaha Ganacsiga Xorta ah ee Qaaraddu waxa uu wax ka beddelayaa mustaqbalka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika iyo dadka ku nool, waxana abuurmaya fursado, shaqooyin iyo xirfado cusub, taasi oo xal u noqonaysa mushkiladda tahriibka dadka aqoonta leh. Waxaan ku faraxsanahay inaan halkan ka sheego in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ugu horreeyay ee saxiixay Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda.

Balse si aan yoolkan ugu guulaysanno, Afrika waa inay si fiican isugu xiran tahay dhul ahaan, cir ahaan iyo bad ahaan. Waxaan u baahannahay inaan maalgashi badan ku samayno kaabayaasheenna dhaqaalaha si dadkeennu uga faa’idaystaan fursadaha caalamiga ah iyo kuwa qaaradeed ee mustaqbalka.

Marka laga yimaaddo kaabayaasha dhaqaalaha, waa inaan maalgashannaa waxyaabaha muhiimka u ah koboca dhaqaalaha, sida siyaasadaha dhaqaale ee lagama maarmaanka ah iyo abuuridda jawi soo jiidanaya maalgashiga kaasi oo faa’ido u leh dhammaan dalalka iyo dadkooda.

Su’aalaha loo baahanayahay inaan iswaydiinno ayaa ah:

Badeecadda iyo adeegyada Afrika si xor u xuduudaha ma uga kala gooshi karaan? Waaxdeenna maaliyaddu ma tahay mid isku xiran? Ma leennahay siyaasadihii iyo dowlad-wanaaggii aynu kaga hortagi lahayn khatarta iman karta? Ma leennahay xirfaddii iyo tamartii aan waxsoosaar ballaaran ku samayn lahayn? Ma leennahay aqoontii iyo xirfaddii aan uga faa’idaysan lahayn koboca dhaqaale? Ma leennahay iskaashi aynu ku xoojin karno wadashaqaynteenna heer qaarad ee dhinaca horumarka?

Weyddiimahan muhiimka ah innaga oo adeegsanayna, waa inaan sidoo kale ka fekernaa inaan ka hortagno khataraha iman kara, isla markaana aan dardargelinnaa maalgashiga horumarkeenna oo aan adeegsannaa hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadeed si ay innooga taageeraan mashaariicda xuduudaha hal dal ka baxsan.

Dhinaca kale, horumarka waxa joogteeya maalgashiga iyo iskaashiga kala duwan iyo ilaalinta deegaankeenna qaaliga ah oo ina siiya nolosha iyo fursado tiro badan.

Mudanayaal iyo Marwooyin, martida sharafta leh,

Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku soo gunaanado, Soomaaliya waxay kusoo jirtay xilli adag 30-kii sano ee u dambeeyay, taasina waxay sababtay in ay dad badan u qaxaan xeryo qaxooti oo dalal badan ah oo ay kamid tahay Uganda. Waxaan idiin sheegayaa inaad sabool ama hoy la’aan tahay in aysan kaa hor istaagi karin inaad isku filnaato. Kaasi waa cashar ay cid walba ka baran karto dadka Soomaaliyeed. Aan idin siiyo hal tusaale. Waxaa halkan Uganda ku nool ku dhawaad 50 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah. In kasta oo in badan oo kamid ah ay halkan ku yimaaddeen qaxootinimo, haatan waa dad isku filan. Qaarkood waxay ka bilaabeen ganacsiyo, waxayna qaar kamid ah noqdeen hal abuurayaal ganacsi ayaga oo gacan ka helaya shacabka dalkan iyo Madaxweyne Yoweri Museveni oo ah qof ay Afrikaannimadu ku wayn tahay. Ma aha Uganda oo kaliya balse haddii aad tagto Koonfur Suudaan, Kenya ama Koonfur Afrika waxaad ku arkaysaa Soomaali guryahooda ka soo tagay ayaga oo qaxooti ah balse maanta hodan ah oo hanti badan leh.

Waa waajib inaan dadkeenna u suurtagelinno Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo isla markaana kobcaysa. Waa arrin ay xaq u leeyihiin. Balse waxa ii muuqata, aniga oo adeegsanaya khibraddeenna ka qaarad ahaan, inaan meesha ka saari karno xiisadaha iyo khilaafyada oo aan qoriga dhigi karno, isla markaana abuuri karno shaqooyin cusub innaga oo kobcinayna dhaqaaleheenna. Afrikaan ahaan, waa inaan awooddeenna xaqiiqsannaa oo aan wax ka beddelnaa mustaqbalka aan wadaagno.