Gaadiid uu la socday guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Col Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Maanta waxaa qarax lagula eegtay agagaarka Deegaanka Tareedisho.
Qaraxa ayaa waxaa Gaadiidkaas lagula eegtay Deegaanka Tareedisho dhanka degmada Kaxda Gaar ahaan Wadada jaayga ah ee ay isticmaalaan Gaadiidka ay wadada ka xiran tahay,sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Guddoomiyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa waxaa ay ka y imaadeen Xero Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini oo uu xalay ku hoyday,halkaas oo maalmo ka hor ay weerareen Al-Shabaab.
Saraakiil Ciidan ayaa sidoo kale Risaala waxaa ay u sheegeen in guddoomiyaha uu badqado,hayeeshee uu burburay mid ka mid ah gaadiidkii la socday,kaas oo la sheegay in uu lahaa Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidanka oo lagu magacaabo Buulle.
Warark ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid ahaa Ciidamada wafdiga la socday iyo qof Shacab ahaa oo ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Ilaa iyo hadda qaraxasi kama hadlin Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Col Xasan Cali Nuur Shuute iyo waliba Hay’adaha Amniga Soomaaliya.



