Isku aadka tartanka dugsiyada sare ee gobolka Banaadir oo ay qabaneyso Idaacadda Risaala ayaa maanta waxa ay ka dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan hoolka Idaacadda Risaala.
Tartanka Dugsiyada Sare ee Risaala ayaa waxaa maalgeliyay Warshadda Cabitaanada ee Cocacola, taasi oo Abaalmarin gudoonsiineysa iskuulada kaalmaha hore ka gala tartankan.
Guddiga Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala ayaa isku aadka sameeyay, waxaana isku aadka loo sameeyay 14 iskuul.
Halkan hoose ka Akhriso sida ay isugu aadeen iskuulada:-
Almansal Madiina VS Saaxil,
Hiigsi VS Alhuddaa
Global VS Al-Israa
Abuu Xaniifa VS Al-Safa
Al-Nahda VS Al-Majuum
Al-Anwaar VS macalinnuur
Boqor Faad VS Sheekh Cabdixafiid



