Xiddiga kubadda cagta Cristiano Ronaldo ayaanan wax dacwad ah lagu soo oogi doonin kaddib markii lagu eedeeyay inuu galay tacaddiyo galmo, dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay.
Kathryn Mayorga, oo 34 jir ah ayaa waxa ay ku andacootay in ciyaaryahanka kooxda Juventus uu ku kufsaday hoteel ku yaal magaalada Las Vegas sanadkii 2009.
Waxaa la sheegay inay 2010-kii xiddigan Portuguese-ka u dhashay heshiis ku gaareen meel aan maxkamad ahayn, hasayeeshee ay inantu go’aansatay inay kiiskaasi dib u furto 2018-kii. Ciyaaryahanka eedahaasi waa uu iska fogeeyay.
Bayaan la soo saaray Isniintii, ayaa dacwad oogayaasha magaalada Las Vegas waxa ay ku sheegeen in eedahaasi “uusan shaki kujirin inaan caddeyn loo hayn”.
Karaaniga Xeer Ilaaliyaha degmada ayaa sheegay in dhibanaha ay xadgudub loo gaystay soo tabisay 2009, hasayeeshee ay diiday inay sheegto goobta ay arrintaasi ka dhacday ama cidda weerrarka u gaysatay. Sidaas daraadeed booliska uma aanay suuragelin “inay sameeyaan baaritaan wax ku ool ah”.



