AKHRISO: Guddoomiyihii Mahadaay oo xilka laga qaaday

Jowhar-RisaalaFM- Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Mahaddaay C/laahi Maxamed Xuseen (Geel-doox).

Wareegtadan oo ku taariikheysneyd 20-02-18 ayaa lagu eedeeyay xil gudasho iyo inuu ka maqnaa degmada, Laamaha ammaanka ayaa la faray in ay la socdaan xilka qaadistan.

Warqadan xilka qaadista ah ayaa waxaa ku saxiixan Maxamed Cali Caadle Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle .