Garyaqaanka Guud ee dowladda Soomaaliya Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa soo saaray qoraal uu ku ayidayo xukunkii ay riday Maxkamadda sare ee dalka ee ahaa in dib loogu celiyo doorashada 8-kursi oo muran la geliyay sharci ahaanshahooda.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u laalay Go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka, waxaana jira Muran arintaasi ka dhashay.



