Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay shaqooyin badan oo ay qaban lahaayeen Soomaalida in ay qabtaan dad ajanaanib ah, kuwaasi oo ku sugan Muqdisho.
Wuxuu sheegay intaasi aysan suuragl aheyn, Dowladda Federaalkana ay wado sidii wax looga qaban lahaa, si dhalinyarada Soomaaliyeed ay u helaan shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda.
Sidoo kale Wasiir Yariisow ayaa sheegay shaqooyinka ay hayaan ajaanibta wixii hada ka dambeeya in ay qaban doonaan Dahalinyarada Soomaaliyeed, canshuurna laga qaadi doono ajaanibta ku ganacsata dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Shalay ayay aheyd markii Wasiiro ka tirsan xukuumada Federaalka Soomaaliya ay booqdeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo xarunta Xalane, halkaasi oo ay kula soo kulmeen Ganacsato ajaanib ah, oo ay kala hadleen in wixii ka dambeeya la isla xisaabtami doono.



