Waa wax aan caadi aheyn in kubada cagta la taageero laba koox oo kala duwan waqtigaan casriga ah.
Waxaaa jira ciyaartoy yar sida Fernando Torres kuwaasoo u ciyaaray koox ay taageeri jireen ilaa yarantoodii.
Weeraryahanka Spain ayaa Atletico Madrid u ahaa taageere weyn, isagoo xitaa laba qeyb oo kala duwan u ciyaaray kooxdan.
Sidookale waxa jiray ciyaartooy uu kamid yahay Jamie Carragher,kaasoo taageere u ahaa Everton, inkastoo uu mustaqbalkiisa ciyaareed ku qaatay Liverpool.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa sheeko xiiso gaar ah yeelatay noqtay markii weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero uu shaaca ka qaaday inuu kusoo koray taageerida Liverpool.
Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa Citizen bishii lasoo dhaafay ayaa sharaxaad ka bixiyay sababihii ku qasbay inuu taageero u noqdo Liverpool.
Aguero ayaa sheegay in xaqiiqda ka dmabeysay inuu taageero Liverpool ay aheyd in ay hal midab ay wadaagi jireen kooxdiisii ugu horeysay ee Independiente.
Weeraryahanka reer Argentine ayaa sidoo kale sheegay in uu ku soo barbaaray taageeerida halyeeygii Reds Michael Owen, kaasoo ka mid ahaa weeraryahanada ugu fiican kubada cagta intii uu joogay Liverpool.



