Afhayeenkii Hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey ayaa goordhaw ku geeriyooday Weerar ka dhacay Agagaarka Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Wararka waxa ay sheegayaan in Dabley hubaysan oo gaari wadatay ay rasaas ku fureen gaari uu watay Afhayeenkii hore, kadibna uu u geeriyooday rasaastaasi.
Dilka ayaa waxaa geystay Kooxo ku labisan dharka Ciidanka dowladda Soomaaliya sida ay Goobjoogayaal ay Risaala u sheegeen.
Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ay ka baxsadeen.


