Afar Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Ay Arsenal Garoonka Emirates Stadium Ku Burbursatay Man U

Arsenal ayaa garoonka Emirates Stadium ee ku yaala waqooyiga magaalada London ku burbursatay Manchester United xilli Jose Mourinho oo la dhoola cadeeyay guushii ugu horeysay oo uu tartan rasmi ah ka gaaro dhigiisa Jose Mourinho muddo 13-sanadood ah.

Granit Xhaka iyo Danny Welbeck ayaa dhaliyay laba gool qeybtii labaad ee ciyaarta taasoo natiijada dhanka kale u rogtay.

Arsenal hami weyn ayey ka leedahay afarta sare madama ay kulan ka dambeyso koox walba oo  kale, waxeyna u baahan tahay iney guul gaarto kulamada u harsan si ay ugu yaraan booska afaraad ama sadexaad usoo tiigsato.

Jose Mourinho ayaa dhawr ciyaartoy nasiyay si ay fursad ugu helaan iney taam buuxa u noqdaan kulanka ay khamiista wajahi doonaan Celta Vigo lugta labaad ee semi finalka UEFA Europa League.

Wenger Oo Soo Afjaray Habaarkii Mourinho

Guushaan waxey aheyd midii ugu horeysay ee Arsene Wenger uu ka gaaro Jose Mourinho tartan rasmi ah, ka hor int aadan i weydiin – ogow in Community Shield aan la xisaabin, waana sida kulan samafal ah ama saaxiibtinimo oo dhaca ka hor xilli ciyaareedka.

Inkastoo lagu kala aragti duwan yahay hadana waxey u muuqataa in la isku raacay inuusan aheyn kulan rasmi ah.

Wenger wuxuu saaxiib wanaagsan la noqday Sir Alex Ferguson oo ay ku dagaalameen Premier League markii uu hawlgabay, ha rajeynin in Jose iyo Arsene ay mustaqbalka saaxiibaan.

Arsene ayaa inyar ku faraxsan guushaan, iyadoo Mourinho uu cudurdaar ka dhiganayo inuu sameeyay sideed isbadal si ay isugu diyaariyaan Europa League.