Illaa iyo afar ciyaartoy sarsarre ayaa qarka u saaran inay xagaagaan ka tagaan kooxda Chelsea.
Chelsea wax saxiix ah ma aysan sameynin suuqii Janaury inkasta oo laga qaaday xayiraadii suuqa kala iibsiga hadana, waxaa la yaab leh, inay heystaan ciyaartoy halyeeyo ah sida Olivier Giroud iyo Pedro.
Si kastaba ha noqotee, si cad waxay xagaaga soo dhaqaajin doonaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ajax Hakim Ziyech, iyadoo Giroud, Pedro, Willian iyo Michy Batshuayi ay u badan tahay inay ka tagaan Stamford Bridge, sida ay qortay The Mirror.
Pedro iyo Giroud ayaa kaliya saftay 11 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkaan, waxaana ay u badan tahay inay baxaan marka qandaraasyadoodu dhacayo dhamaadka ololahaan.
Batshuayi ayaa qandaraaskiisu dhacayaa 2021 laakiin waxaa loo arkaa mid dheeri ku ah shuruudaha Stamford Bridge isagoo aan hal kulan Premier League kusoo bilaaban xilli ciyaareedkan.



