Ac Milan ayaa kusii dhawaaneysa saxiixa weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata kaas oo la leeyahay wuxuu ogolaaday mushaar dhan 7.5 Malyan oo Euro si uu San Siro ugu ciyaaro.
Weeraryahanka qaranka Spain ayaa xagaagii lasoo dhaafay dib ugu soo laabtay caasimadda kadib markii uu laba sano kusoo qaatay Turin, balse hadda ayuu diyaar u yahay inuu horyaalka talyaaniga dib ugu laabto.
Sida ay daabaceyso La Gazzetta dello Sport, weeraryahanka ayaa aqbalay inuu mushaar ahaan u qaato 7.5 Malyan oo Euro xilli ciyaareedkii.
Warbixinta waxey intaas ku dareysaa in maamulka Milan ay hadda isku diyaarinayaan iney dalab rasmi ah u gudbiyaan Real Madrid kaas oo ugu yaraan ku kici kara 60 Malyan oo Euro si ay uga helaan Morata.
Agaasimaha Milan Massimiliano Mirabella ayaa dhawr jer u duulay caasimadda Spain si uu kaga dhaadhiciyo Morata inuu ka mid noqdo tiirarka dib loogu xoojinayo Milan.
Ugu dambeyntii wargeyska wuxuu intaas ku daray in Morata uu goor hore qorsheynayay inuu isaga guuro Santiago dhamaadka xilli ciyaareedkaan madama uusan heysan fursad uu ku ciyaaro.



