Kooxda AC Milan ayaa kusoo laabashada Yurub bandhig wacan la timid kadib markii tartanka Europa League qaybtiisa guruubyada ay guul weyn ku bilaabeen.
AC Milan ayaa 5-1 cagta ku marisay naadiga Austria Vienna kulan sedexleey uu dhaliyay weeraryahanka reer Portugal Andre Silva.
Kubad sameeyaha reer Turkey Hakan Calhanoglu ayaa kulankaan daah ku furay daqiiqadii 7-aad waxaana caawinaad ka geestay Kalinic.
Sedex daqiiqo kadib Andre Silva ayaa 2-0 ka dhigay waxaana caawinaad ka geestay kubadaan Hakan Calhanoglu.
Kulankaan Milan maamulidiisa ayay iska wadatay waxaana 3-0 ka dhigay Andre Silva daqiiqadii 20-aad sidoo kalena Andre Silva ayaa kubada caawiyay.
Kooxda Austria Vienna goolka agoonka ah waxaa u dhaliyay Alexandar Borkovic daqiiqadii 47-aad balse cayaarta waxba kama badalin.
Waayo Andre Silva ayaa sedexleydiisa dhameestirtay daqiiqadii 56-aad waxaana goolkaan caawinaad ka geestay Franck Yannick Kessie.
Damaashaadka goolasha Milan waxaa soo qatimay Suso oo cayaarta ka dhigay 5-1 daqiiqadii 61-aad.
AC Milan safarkii ay Austria ku tagtay waxay kala soo laabatay guul weyn ayadoo 5-1 ku xasuuqday naadiga Austria Vienna.
Dhinaca kale kooxda AEK Athens oo isla guruubkaan D ku jirto waxay 2-1 guusha kaga soo qaateen naadiga Rijeka.



