Waxaa Beri magaalada Muqdisho ku soo wajahan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafdiga R/Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa ka soo horeeyay wasiiro iyo taliyeyaasha ciidamada xoogga iyo sirdoonka Itoobiya, kuwaasi oo u gogol xaaraya soo dhaweynta wafdiga.
Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa caawa lagu dhajiyay boorar uu ku sawir yahay R/wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Diyaargarow lagu soo dhaweynayo wafdiga Abiy Ahmed ayaa ka socda Magaalada Muqdisho ,waxaana ciidamo dheeraad ah durba la dhigay qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.
Abiy Ahmed ayaa marka uu yimaado Magaalada Muqdisho waxaa uu la kulan uu la qaadan doonaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoona soo dhaweyn loogu sameyn doono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Waxaa guud ahaan la joojiyanaa dhaqdhaqaaqa dadka iyo Gaadiidka, iyadoo Booliska Gobolka Banaadir uu soo saaray wargelin ku socota dadka rakaabka ah ee ka dhoofaya dalka, kuwaas oo xitaa shuruudo adag lagu soo rogay si ay u gaarana Garoonka Aaden Cadde, iyadoo lagu qaadi doono Gaadiidka ciidamada.
Waxaana si weyn loo adkeeyay amamanka magaalada Muqdisho.
Qoraalka Taliska qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa u qornaa sidan:-




