AbaalmarintaTartanka Qur’aan Akhriska Jiilu Risaala oo la bixiyay “SAWIRRO”

Xarunta Dhexe ee Idaacadda Risaala maanta waxaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay  Barnamijka Tartanka Qur’aan Akhriska Jiilu Risaala, kaasi oo sanad walba ay Idaacadda qabato.

Isbitaalka Ibnu Qayim Al-Jowzi ayaa abaalmarino qaali ah gudoonsiisay Ardada kaalmaha hore ka galay Tartankan Qur’aan Akhriska Jiilu Risaala.

Ardayda ka qeyb qaadatay ayaa waxa ay ku tartamaayeen Halka Juz ee ugu hooseeya Qur’aanka Kariimka, waxaana la qaban jiray maalmaha Khamiista iyo Jimcaha.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi ayaa Abaalmarino guddoonsiiyay Saddexdii Arday ee galay kaalimaha ugu horeeya.

1.Safiyo Cumar Toowri Kaalinta Koowaad waxaa la siiyay lacag dhan 150 Doollar.

2.Maahir shaafici xuseen Kaalinta Labaad waxaa la siiyay lacag dhan 100 Doollar

3.Nuur Maxamed Cali Kaalinta Saddexaad waxaa la siiyay lacag dhan 50 Doollar.