Aadan Madoobe oo Itoobiya ka dalbaday taageero milatari

Warbaahinta ka howlgasha Itoobiya ee Adis Startand ayaa werisay in hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), uu dowladda Itoobiya ka dalbaday taageero dhinaca milatariga ah, kaddib kulan uu magaalada Baydhabo kula yeeshay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya.

Warbixinnada la baahiyey ayaa sheegaya in Aadan Madoobe uu saraakiisha Itoobiya kala hadlay xaaladda amni ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan sidii looga hortagi lahaa weerarro ay soo qaadaan xoogagga taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Sida ay qorayaan warbaahinta maxalliga ah, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga Baydhabo iyo sidii looga hortagi lahaa dhaqdhaqaaqyada ciidan ee xoogagga Lafta-gareen.