Laamaha Amniga Magaalada Baydhabo ayaa lagu Amray in ay soo qabtaan dadka Mucaaraadka ku ah maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan degaanada maamulkaasi gaar ahaan Magaalada Baydhabo.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegay in tilaabo ay ka qaadi doonaan dadka kasoo horjeeda maamulka ee shirarka ku qabta Magaalada Baydhabo.
Xasan Xuseen Eelay ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka Shacabka ah ee degaanada maamulka Koonfur Galbeed laga doonaayo in ay la shaqeyaan maamulka.
Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa buux dhaafiyay dad kasoo horjeedda Siyaasadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed.



