Buur-hakaba-RisaalaFM- Guddoomiyaha Maamulka degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay Maxamed Ibraahim Nuur oo wareysi siiyay Idaaacadda Risaala ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ammaan ee degmada Buur-hakaba iyo degaanada ku dhow.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in degmada Buur-hakaba ammaankeeda hada uu yahay mid aad u wanaagsan, wuxuuna tilmaamay Ciidamada diyaar in ay u yihiin mar walba in ay difaacaan degmada.
Sidoo kale Maxamed Ibraahim Nuur Guddoomiyaha Maamulka degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegay Howlga Ciidamada dhowaan ay qaadeen in ay ku soo qabteen Saddex Dagaalame oo ka tirsan Shabaab.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degan degmada Buur-hakaba ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka ka baxsan amniga.
Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera), Radio Risaala, Baydhabo.


