Balcad-RisaalaFM- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho ku tagay degmada Balacad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa waxaa ka mid ah Madaxweyne ku xigeenka Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiiro, Xiildhibaano iyo Guddoomiyaha Gobolka, waxaana Balcad ku soo dhaweeyay Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Waare iyo wafdigiisa ayaa waxa ay kulan la qaateen Maamulka Cusub ee degmada iyo qeyabaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaann waxgaradka, waxayna ka wada hadleen hormarka degmada iyo sidii loo dar dar gelin lahaa.
Intaasi Hoggaamiyaha Maamulka Hirshabeelle (Waare) ayaa dhagax dhigay Isbitaalka Guud ee degmada, kaasi oo burbursanaa tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladdii Millitariga.
21-kii bishan ayaa waxaa si rasmi ah xilka Guddoomiyaha degmada Balcad ula wareegay Qaasim Cali Nuur (Qaasim Furdug), kadib markii Madaxweynaha Hirshabeelle uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii hore Cismaan Maxamed Maxamuud (Cismaan Xaadoole).
Wariyaha Risaala ee degaanada Hirshabeelle Bashiir Cali Daahir (Caana-booro) ayaa soo sheegaya in Madaxweynaha iyo wafdigiisa, isla caawa ay u sii gudbeen degmada Warshiikh oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.



