Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane oo ka mid ah Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay u midoobeen sidii ay xilka kaga qaadi lahaayeen Madaxweynaha maamulkaasi.
Waxaa uu sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed ay qaateen Go’aan mid ah kaasoo ah in xilka laga qaado Madaxweyne Shariif Xasan.
16-Ka Bishaan ayuu sheegay in kulanka Baarlamaanka uu ku furmi doono Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif Xasan .
Xildhibaanka ayaa sheegay in dhawaan ay tagi doonaan Baydhabo.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Baydhabo waxaa ka taagnaa xiisad siyaasadeed oo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi ay wadeen , kuwaa soo sheegay in ay xilka qaadayaan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.


