DHAGEYSO: Khayre oo sheegay in la kordhinayo Howlgalka Xasilinta

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in la kordhinayo qorshaha Howlgalka Xasilinta, kaasi oo lagu nabadeynayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wuxuu sheegay hadii ay wadashaqeyn dhexmarto Ciidamada iyo shacabka in laga dareemayo amniga magaalada, hadafkana uu yahay in magaalada iyo dalka oo dhan la nabadeeyo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed u balan qaday in ay sii dardar gelinayaan wax ka qabashada arrimaha amniga, ilaa laga gaaro in dadka Soomaliyeed ay ku qancaan niyadoodana ay ku degan tahay in Dowladdooda ay ilaalin karto amnigooda.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo hadal qaaday dagaalka Al-shabaab ayaa sheegay siyaasadda Dowladda in ay tahay labada sano ee hada bilaabatay in guud ahaan Shabaab laga saaro dalka.

Wuxuu sheegay Khayre Shabaab in laga saaro dalka in aysan u baahneyn oo keliya arrimo Ciidan, balse ay ay u baahan tahay arrimo siyaasadeed, dhaqaale, maamul, Caqiido, dhaqan iyo kuwo kale.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay Shabaab in ay hoos u sii dhacayaan, sidaasi darteedna shacabka ayuu ugu baaqay in Ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan amniga.

Ururka Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada, dilalka iyo qaraxyada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, taasi oo dadka odorasa arrimaha ammaanka ay ku sheegeen isdhigasho ka jirta dhanka Ciidamada Dowladda.