Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waddaa in uu khudbad ka jeediyo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ka furmaya Magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Waxaa lagu waddaa in Kheyre uu Khudbadiisa kaga hadlo Xaaladda Soomaaliya, iyo waxyaabaha ay Soomaaliya u baahan tahay in laga caawiyo.
Sidoo kale waxaa uu ka hadli doonaa waxyaabihii u qabsoomay dowladda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay intii uu jooggay.
Shalay ayuu ka duulay Magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.



