Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Madaafiic xalay ay ku garaaceen Al-Shabaab degaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in Madaafiic ay la beegsaday Saldhiga Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degaankaasi.
Inta la xaqiijiyay duqeyntaasi, waxaa ku dhintay Hal Askari , waxaana sidoo kale ku dhaawacmay labo kale sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.
Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in dhaawacyadii ka dhashay duqeyntaasi Saakay loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.
Inta badan Al-Shabaab ayaa Madaafiic ku garaaca Saldhigyadda Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku yaalla degaanada gobolka Shabeelaha Dhexe.


