Todobaadka dambe bartamihiisa waxaa la amba qaadi koobka horyaalada Yurub kulanka ugu xiisaha badana waa midka Barcelona iyo Juventus dhex mari doono.
Kooxda Juventus waxay si rasmi ah u xaqiijisay in Juan Cuadrado uu dhaawac kaga maqnaan doono kulanka Talaadada ay Barcelona wajihi doonaan.
Macalin Allegri ayaa sheegay in Juan Cuadrado dhaawac soo gaaray asigoo xulkiisa Colombia u cayaarayo isreeb reebka koobka aduunka waana dhibaato Juve kusoo korortay.
Maqnaan shaha Juan Cuadrado waxay ka dhigan tahay Douglas Costa oo xagaagan Juve kusoo biiray inuu sii wadan doono bandhigiisa heerka sare ah.
Juve sabtiga nagu soo fool leh kooxda Chievo ayay la cayaari doontaa kadibna waxay isku diyaarineysaa kulanka adag ee Barca wajihi doonto Talaadada dambe.



