Muqdisho-RisaalaFM- Kulankii ugu horeeyay ee kubadda Cagta oo lagu cayaaro Soomaaliya ayaa caawa waxa uu ka dhici doonaa Garoonka kubadda Cagta Banaadir Stadium, mudo 30 sano kadib.
Kulankan oo ah kama dambeys ayaa waxaa isaga hor imaan doona cayaartoy kala meteleysa degmooyinka Waaberi iyo Hodan, kuwaasi oo ka soo baxay 17-ka degmo ee gobolka oo la dhexdhigay koob martigelintiisa uu leeyahay maamulka gobolka Banaadir.
Tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir ayaa isku keenay 391 cayaartoy, oo da’dooda ay u dhaxeyso 17, 18 iyo 19 sano jiro, kuwaasi oo wakiil ka ahaa degmooyinka gobolka Banaadir uu ixtiraamo.
Kooxda Waaberi ayaa afar dhamaadkii Tartankan waxa ay ka soo adkaatay kooxda kubadda Hiliwaa, halka degmada Hodan ay ka soo badisay kooxda Kaaraan, kadib cayaar la isku xiiqay, oo jilbaha dhulka la dhigaty.
Waaberi ayaa labadii sano ee ugu dambeysay Tartankan la qabto waxa ay soo gaartay kama dambeysta, balse Taageerayaashooda xiisa uma qabaan taasi, oo wax ay doonayaan koobka dhagaweynaha in ay gacanta ku dhigaan.
Tababarayaasha labad kooxood oo aan la xirirnay ayaa inoo sheegay in ay aad ugu diyaar garoobeen kulanka caawa, iyaga oo cayaartoyda u sameynaya balan qaadyo, si koox walba ay guusha dhankeeda u ahaato.
Xasan Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta gobolka Banaadir oo la hadlay Risaala ayaa sheegay caawa habeen cusub in ay u tahay kubada cagta Soomaaliya, ujeedada kulankana uu yahay mid isdhexgal ah.
Wuxuu inoo sheegay Wiish caawa in abaalmarino qaali ah oo kala heersareeya ay heli doonaan kooxdii koobka qaada, mida kalinta labaad gasha iyo Kooxda Kaaraan oo loo gartay qiimeyn la sameeyay kaalinta Saddexaad, maadaama qaab rigoorayaal ah ay ku soo reebtay Hodan.
Xasan Yabarow oo soo hadal qaaday arrimaha ammaanka ayaa inoo sheegay in isu socodka magaalada Muqdisho xilliga habeenkii uu caadi yahay, siyaabo kalena aanan loo arki doonin, amnigana boqolkiiba boqol uu yahay.
Dhanka kale Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta C/qani Saciid Carab war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa waxa uu ku sheegay tartamada nuucaan oo kale ah in ay ka caawineyso in ay aqoonsadaan ciyaartoyda da’da yar iyo kuwa tayada leh, kuwaasi oo loo qaadan doono kooxda dhalinyarada qaranka iyo naadiyada, si ay uga faa’ideystaan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo ay ugu horeyso Wasiirka Dhalinyarada iyo cayaaraha iyo xiriirka kubadda cagta ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan kulankan dhexmari doona degmooyinka Waaberi iyo Hodan.
Kulankan oo caawa ka dhacaya Garoonka kubadda cagta Banaair Stadium ayaa waxaa la filayaa in ay u soo daawasho tagaan kumaan qof oo dhalinyaro u badan, waxayna cayaartan bilaaban doontaa 07:00-PM fiidnimo, waliba taageerayaasha wax lacag ah kuma geli doonaan garoonka.
Garoonka caawa ay cayaartan ka dhaceyso ayaa todobaadkii ugu dambeeyay waxaa ku socotay howl ku aadan naleyntiisa, iyo waxyaabaha kale ee loo baahan yahay, waxaana xalay kulan tijaabo ah ku cayaaray kooxda Banaadir SC iyo koox loo soo xulay in ay ka qeyb gasho Tartanka maamul goboleedyada oo dhowaan ka dhici doona magaalada Kismaayo.
W/D:- Abdirashiid Ali Dubbad (Gacal)



