Afgooye-RisaalaFM- Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa saakay ka dhacay Banaanbax, kaasi oo ay dhigeen dadweyne isaga kala yimid xaafadaha degmadaasi, oo u badan Haween iyo cauuur.
Banaanbaxan ay dhigeen shacabka halkaasi ku nool ayaa waxaa looga soo horjeeday Ciidanka AMISOM, kadib markii maalmo ka hor ay halkaasi ku dhaawaceen nin dhalinyaro ah oo caafimaadkiisa aanan dhameystirneyn.
Ninkii dhalinyarada ahaa ee Ciidanka AMISOM ay dhaawaceen ayaa la sheegay xalay in uu u geeryooday dhaawicii soo gaaray, saakayna dadka degmada ay isugu soo baxeen Banaanbax ay ku mucaaradsan yihiin AMISOM, oo falkaasi ay kaga soo horjeedaan.
“Walaalow saakay waxaa Afgooye ka dhacay Banaanbax, Ciidamada AMISOM ayaa looga soo horjeeday oo maalmo kahor wiil Maskaxda looga jiro dhaawac u geystay, xalayna uu geeryooday, AMISOM waa cadowga shacabka Soomaaliyeed”. Sidaas waxaa tiri gabar ka tirsan dadka Banaanbax dhigayay oo Risaala u warantay.
Banaanbaxa ayaa intii uu socday waxaa Banaanbaxayaasha ay ku qeylinayeen ereyo ay kaga soo horjeedaan Ciidanka AMISOM in ay dalka sii joogaan, waxayna hakiyeen isu socodka gaadiidka in mudo ah.
Maamulka degmada Afgooye ee gobolkaasi iyo Ciidamada ammaanka ayaa Banaanbaxayaasha u tagay, iyaga oo markii dambe ku qanciyay in ay guryahooda ku laabtaan Ciidamada AMISOM-na falkan lagula xisaabtami doono.


