Dhageyso: Odayaasha Hiiraan ayaa beeniyey in heshiis la gaareen R/wasaaraha

Ugaas Xasan Ugaas Khaalif oo ah hogaanka odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay hadalkii uu sheegay wasiirka warfaafinta ee ahaa inay heshiiyeen odayaasha dhaqanka Hiiraan iyo R/wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa sheegay inay R/wasaaraha iyo wafdigiisa hor dhigeen laba qodob oo uu ugu horeeyo in gogosha shirka Jowhar lagu soo celiyo magaalada Beledweyne, islamarkaana dib u heshiisiin la sameeyo, ilaa haddane uusan aqbalin R/wasaaruhu.

halkan ka dhageyso Wareysiga Ugaas Xasan: