Wiil yar oo da’diisa lagu sheegay 12-sano jir ayaa xalay fiidkii isku dilay Magaalada Muqdisho, kadib markii bistoolad uu lahaa aabihiis uu isku dhuftay, xilli uu ku ciyaarayay.
Cadnaan oo qolka aabihiis ku jira, ayaa mar keliya waxaa la maqlay dhawaqa xabad, durba markii qolka lagu cararayna la arkay Cadnaan oo meyd ah, gacantiisuna ay ku jirto bistooladii aabihii.



