Muqdisho-RisaalaFM-Dowladda Federaalka Somaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Somalida ay la qaadeen ciidamo ajaanib ah, kaasi oo ka dhacay agagaarka Tooro-toorow oo la rumeysan yahay in lagu dilay mid ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal).
Cali Jabal ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab oo mus’uulka ka ahaa qorsheynta dilalka iyo qaraxyada oo dad badan oo aan waxba galabsan ay ku geeriyoodeen Muqdisho.
Dowlada Federaalka Somaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay badbaadada shacabka Somaliyed, iyada oo sidoo kale sheegtay Guusha Howlgalkan qorsheysan in uu yareynayo awooda ay Al-Shabaab ku dili lahaayeen dad aan waxba galabsan oo Somali ah, wadamada deriska ah ee Bariga Afrika iyo Caalmka guud ahaan.
Weerarada sida gaarka ah ee ay Ciidamada Mareykanka uga fuliyaan Somaliya waxa uu ka soo baxaa Taliska Mareykanka ee AFRICOM kadibna waxaa meel mariya Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo).
War-saxaafadeed


