Wasiirka Amniga Dowlad Gobaleedka Jubaland C/rasiid Xasan nuur Janan ayaa sheegay in dadka kunool degmooyinka maamulka Jubbaland ay haystaan dhibaatooyin kala duwan.
Waxaa uu sheegay in aysan jirin dhaqaale dadka loogu dhiso iskuulo iyo goobo Caafiimaad, maadaama dhaqaalihii Shacabka laga qaaday iyo kuwii Soomaaliya ay lagu taageeray ay ku baxayaan Xafiisyadda Madaxda.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Jubbaland ay cunto dhaqaalihii laga qaaday Shacabka, taasina ay tahay dhaqaallo yarida dalka ka jirta.
Sababta Jubbaland ay u shaqeynayso ayuu sheegay Wasiir janan in ay tahay in la helo Qaranimadii Soomaaliya.


