Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay dagaalo ay ka dhaceen deegaanka TOGGA Suuj ee gobolka Nugaal ayaa saraakiisha maamulka Puntland, waxay sheegeen in lasoo gabo-gabeeyay dagaalkii ka dhacayay deegaankaasi.
General Muxidiin Xasan oo ah taliye ku xigeenka ciidamada Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in gabi ahaanba lasoo idleeyay dagaalada ka dhacayay deegaanka Togga Suuj, haatanna ciidamada ku sugan yihiin deegaankaasi iyo kuwo ku dhow dhow.
Seddex kamid ah askarta maamulka Puntland ayuu sheegay iney ku dhinteen dagaalka ka dhacay deegaanka Togga Suug, ayna jiraan askar kale oo dhaawacyo ay soo gaareen.
Isla deegaankaasi ayaa waxaa warbaahinta loogu soo bandhigay meydadka askar badan oo Puntland ay sheegtay iney Alshabaab ahaayeen.


